Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay duqeyn ka fulisay suuq ku yaala Tigray

0

Tobanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ama dhaawaceen ka dib markii ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeeyeen suuq ku yaal gobolka waqooyiga ee Tigray.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada cirka ee Itoobiya ay Talaadadii duqeeyeen magaalada Togoga, oo 25 km u jirta magaalo madaxda gobolka, ee Mekelle.

Milateriga Itoobiya ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah, iyagoo sheegay inay weerarrada u qaadeen si ay uga hortagaan “argagixisada”.

Xoogaga kacdoonka Tigreega ayaa la sheegayaa in dagaalka ay horumar ka sameeyeen maalmihii lasoo dhaafay. Waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhawr magaalo halkaas oo dad goobjogayal ah ay BBC u sheegen inay arken dagalyahannada oo rondo sameynayo. Hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa gaashaanka u daruurtay sheegashada TPLF.

Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ay gacan ka geysteen daadgureynta dhaawacyada. Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday inay baarto duqeynta la sheegay.

Kumanaan dad ah ayaa la dilay malaayiinna waa la barakiciyay kadib markii iska hor imaadka uu qarxay ku dhawaad ​​sideed bilood ka hor.