Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga oo lagu eedeyay musuqmaasuq baahsan

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee XFS ayaa lagu eedeyay musuqmaasuq baahsan uu ka geystay wasaaradda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Sheegay Maxamuud Cabdullahi Sheekh Cabdi oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga uu musuqmaasuqay mashaariicda farad badan oo loogu talagalay in sare loogu qaado xirfadleyda iyo qalab kale oo loogu tala galay kalluumeysata, kuwaa soo inta badan aan helin taakuladii ay u baahnaayeen. Sidoo kale, xogaha aan helnay ayaa xaqiijinaya in Agaasima Guud uu ansaxiyay ogalaansho Maraakiib si sharci darro ah uga kalluumeysta badda Soomaaliya.

Horay waxaa Wasaaradda Kalluumeysiga la dul dhigay Hanti-Dhowre oo mudooyinkii dambe baaritaan ku hayay musuqmaasuq horay loogu eedeeyay Wasaaaradda, waloow Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka uusan waliba baahinin galka baarista ee wasaaradda, hadana waxa is soo taraaya wararka sheegaya in Maxamuud Cabdullahi Sheekh Cabdi oo ah Agaasimaha Guud Wasaaradda Kalluumeysiga uu musuq baahsan uu ka geystay Wasaaradda. Xiliyadan oo kale ayaa inta badan Wasaaradaha XFS ayaa ka dhaca musuq baahsan kuwaasoo ay ku kacaan qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud, maadama ay Wasiirada intooda badan yihiin Xildhibaano oo ay ku mashquulaan dib soo helida kuraastooda xildhibaan.

Dhanka kale, wararkan oo bilihii ugu dambeeyay hadal heyntooda ay xooganeed ayaa la xaqiijiyay in ay soo ifbaxeen ka dib markii xeebaha Puntland lagu arakay maraakiib sharci daro oo ka jilaabanayay, kuwaasoo sheegtay in ay sitaan ruqsadda Wasaaradda Kalluumeysiga, balse markii xiriiro lala sameeyay Masuuliyiinta Wasaaradda ay sheeegeen in aanaysan ka warqabin waloow ay maraakiibtu qaar wateen waraaqado uu ku saxiixanyahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Si kastaba, Maraakiibta ka kaluumeysta Xeebaha Soomaaliya ayaa isugu jira kubo ri rasmi ah ay DFS shati u siisay, kuwaasoo soo maray dhamaan habraacyada iyo sharcuucda u degasan Wasaaradda gaar ahaan sharciga Kalluumeysiga. Hadana waxaa marar badan xeeba dalka lagu arkaa maraakiib sharci daro ah kuwaasoo sheeganaya in shati ka soo qaateen qaar ka mid ah maamulada dalka, halka ay dowlada Federaalka gaar ahaan wasaaraddu siiso waraaqado cadeyn u ah in shatiyada ay wataan in ay yihiin kuwa saxan kuwasoo intooda badan uu ku saxiixanyahay Agaasima Guud ee Wasaaradda.

Arintaan ayaa soo if-baxda marka is-qabsi am hubin rasmi ay timaado, waxaana ilaha aan xogtaan ka helnay ay nala wadageen cadeymo iyo in dhaqaale ka badan maraakiibta ay Wasaaraddu marisay sida sharciga u bixisay sanadkii ay ka badan tahay kuwa sida aan sharciga ahayn loo bixiyay ee uu ku Saxiixanyahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kaluumeysiga.

Ugu dambeyn, Ra’sul Wasaaraha XFS ayaa dhawaan soo saaran wareeto lagu joojinayo in dhamaan Wasaaraddaha DFS iyo qeybaha kale ee hay’adaha dowlada aysan geli karin wax heshiisyo ama saxiixyo, kuwasoo ku yeelan kara saameyn amni ama mid dhaqaale dalka.