Shiikh Shariif, Xasan Shiikh iyo siyaasiyiin kale oo kulan yeeshay

0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Sharif Sheikh Ahmed oo ay wehliyaan xildhibaan Farah Sheikh Abdulkadir iyo xildhibaan Hon. Mohamed Abukar Islow Duale ayaa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed oo ah guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta.

Kulanka mas’uuliyiintan ayaa looga arinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arimaha doorashooyinka oo dhowaan la filayo in laga shiro.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili ay socdaan dedaalo xal looga gaarayo khilaadka doorashada ee weli taagan, Isla markaasna 20 bishaan ay shir u ballansanyihiin madaxda Soomaalida.