Maxay ka wadahadleen wasiirka difaaca iyo Taliska Africom

0

Dowlada Soomaaliya iyo Taliska Africom ee Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen ciidamada DFS iyo kuwa Mareykanka, kaasi oo la xiriira Duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya iyo taakuleynta Ciidamada Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliska Africom iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalada si wadajir ah ay u wada fulin doonaan labada Ciidan islamarkaana ka wada shaqeyn doonaa ilaalinta Amniga iyo la dagaalanka Alshabaab

Mareykanka ayaa duqeymo dhowr ka fuliyay deegaano ay ku sugan yihiin gobolada dalka