Maxkamada gobolka Banaadir oo dacwad ku soo oogtay Soomaali iyo Ajaanib

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay lix ruux oo afar ka mid ah ay yihiin ajnabi halka labada kalana ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah.

Dadkan ayaa loo haystaa dambiyo in ay faafiyeen xogaha ammniga qaranka lid ku ah iyo sameynta basaasid siyaasadeed iyo mid ciidan.

Maxkamada ayaa u qabtay eedeysanayaasha illaa 29ka bisha soo socota inay ku horyimaadaan maxkamada horteeda ayna iska difaacaan eedaha loo haysto.

Raggan dacwada laga gudbiyay ayaa waxaa ka mid ah Mitt Bryden oo ah agaasimaha hay’ada Sahan Research oo hore dalka loogaga mamnuucay,waxana uu hore u soo noqday xiriiriyaha guddiga dabagalka cunoqabataynta Soomaaliya iyo Eritrea.