Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaaladda Muqdisho Iyo Laamaha Amniga Oo Farriin Diray

0

Laamaha amniga Gobolak Banaadir ayaa farriin adag u diray shakhsiyaad la sheegay in ay ku howlan yihiin kicin dadweyne iyo tallabooyin u muuqda in ay sababi karaan dagaal sokooye oo Muqdisho ka qarxa.

Guddoomiye Kuxegeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ) oo warbahinta la hadlay ayaa farriin amniga ku aaddan la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu si gaar ah uga hadlay warar tan iyo xalay la isla dhex-marayay oo ahaa in Dowladda federaalka ay doonayso in ay weerar ku qaaddo Taliyihii hore Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John, kaaasi oo dhawaan laga qaaday xilka.

“Waxaan u cadeynaynaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir in aysan jirin wax caqabad ah ama colaad ah inaba ha la ekaatee,” ayuu yiri Mr Cali Yare.
Waxaa uu intaa ku daray in amniga magaalada Muqdisho uu sugan yahay islamarkana ay ciidamada ammaanka ay mar walba sugayaan ammaanka.

“Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin goor iyo ayaan habeen iyo malain sidii ay uga hortagi lahaayeen isku day kasta oo la isku dayo in lagu carqaladeeyo amaanka , nabada iyo hormarka sida xawaaraha uga socda magaalada Muqdisho,” ayuu intaa ku daray.