Midowga Yurub oo ka horyimid muddo kordhin ay sameeyeen golaha shacabka

0

Dalalka midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in tallaabadii ay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya muddo 2 sano ah xilka ugu kordhiyeen madaxwayne Farmaajo ay tahay mid minjaxaabinaysa dadaaladii socday ee doorashada.

Bayaan uu soo saaray wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Josep Borrell ayaa lagu sheegay in tallaabada mudo kordhinta ay minjaxaabinayso taageerada midowga Yurub iyo beesha caalamka ee dib u dhiska Soomaaliya oo ku saleysnaa is-afgarad iyo isu tanaasul.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in midowga Yurub iyo guud ahaan beesha caalamka ay ku celceliyeen in aysan aqbali doonin wax muddo kordhin ah amaba doorashooyiin is barbar socda ama hal dhinac ah.

Midowga Yurub waxay sidoo kale sheegeen in muddo kordhinta baarlamaanka aysan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.

Wakilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku baaqay in wadahadalada dib loogu soo laabto lana qabto doorasho iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Ugu dambeyntii midowga Yurub ayaa waxay ka digeen in haddii aysan arrintaasi dhicin ay ka baaraandagi doonaan tallaabooyiin dheeraad ah oo ay qaadaan.