Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Muddo kordhintii labada sano ee Golaha Shacabka ansixiyay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay afurkii kaddib saxiixay sharciga gaarka ah ee khilaafka uu ka taagan yahay ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey Isniintii.

Farmaajo ayaa saxiixay sharcigan iyadoo Aqalka Sare aan la horgeyn isla markaana Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Sharcigan ayaa waxaa si weyn ugaga soo horjeestey qaar ka mid ah Madaxda Dowla goboleedyada dalka iyo wadamo badan oo saaxibo la ah dowlada Soomaaliya.