Madaxweyne Farmaajo oo darajadii ciidanka ka qaaday Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sido kale si waafaqsan sharciga ciidamadda qalabka waxaa uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar, waxii xaquuq ah uu lahaa.