Q/Midoobay Oo Farriin Ku Aadan Ramadaanka U Dirtay Shacabka Soomaaliyeed

0

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Md. Swan.

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in sanadkaan Bisha Ramadaan ay bilaabatay, iyada dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka.

“Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn James Swan ayaa rajeeyay in waqtigan xaaladaha ka jira Soomaaliya uu horseedo farxad iyo midnimo, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Bisha Barakaysan ee Ramadaan.