Dowladaha Masar Iyo Uganda Oo Kala Saxiixday Heshiis Muhiim Ah

0

Dowladaha Masar iyo Uganda ayaa kala saxiixday inay iska kaashaadaan arrimaha sirdoonka milateriga, sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca dalka Uganda.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo khilaafka  wabiga Nile cirka isku sii shareeray maalmihii lasoo dhaafay kadib marki ay fashil ku dhamaadeen wada hadaladii u dhaxeeyay wadamada Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Generaal Saamix Saabir oo ka mid ahaa wafdigii Masar ee tegay Kampala ayaa sheegay inay lama huraan tahay iskaashiga Masar iyo Uganada isagoo tilmaamay in wixii Masar saameyn ku leh  ay sidoo kale saameynayaan Uganda.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Siisii ayaa hore uga digay halista ka dhalan karta khilaafka ka jira wabiga Nile, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin inay waayaan  saamigooda biyaha wabiga.

Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa walaac badan ka qaba mashruuca biya xireenka  Itoobiya, waxaana fashil ku dhamaaday dhowr shir oo la doonayay in xal looga gaaro saami qeybsiga biyaha wabiga Nile.