Taliska ciidamada xoogga oo ka warbixiyay dagaalo ka dhacay Galguduud

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ka warbixiyay howlgaladii u danbeeyay ee ciidamada ka sameeyeen deegaano ku yaalla dulleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud

General  Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha Ciidanka dhulka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaaladii Ciidamada xoogga dalka beryahaan ay ka wadeen qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ay guulo ka gareen.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ayaa sheegay in ay al-Shabaab kala wareegeen fariimo ay ku lahaayeen deegaano dhanka Koofur kaga beegan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Talyaha ayaa sheegay in dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay degaanka Labi dulle ee gobalka Galgaduud ay kula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.