Puntland oo ku hanjabtay inay la wareegeyso degaano ay maamusho Somaliland

0

Xukuumadda Pntland ayaa sheegtay in ay gacanteeda ku soo celinayso magaalada Laascaanood oo ka tirsan Gobolka Sool  iyo Magaalada Ceerigaabo oo ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaas oo ay ka arrimiso Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdraxmaan Dhabancad oo su’aalo lagu weeydiinayay Barnta Club House ayaa sheegay in ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay oo ay kula wareegayaan magaalooyinkaas.

“Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa, sidoo kale Laascaanoodna iyada oo aan howl badan laga marin ayey dhammaanaysaa oo waa socotaa ayuu yiri ” Wasiir  Dhabancad.

Sidoo kale Wasiirka oo ka hadlayay Shrka Teendhada Afisiyooni ayaa sheegay in shirkaasi  Beesha Caalamka ay go’goshiisa dhigtay, dadkana isugu yeertay oo qaban-qaabisey.