Markab Sirdoon oo lagu qarxiyey Badda Cas

0

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa shalay lagu qarxiyey Badda Cas, gaar ahaan inta u dhexeysa Xeebaha Yemen iyo Eritrea.

Markabkaasi oo lagu magacaabo SAVIZ waxaa la sheegay inay la kacay Miino baddeedka, waxaana soo gaaray Khasaaro aan weli la shaacinin.

Telefishinka Al Hadath ayaa baajiyey inay Israel ka dambaysay Hawlgalkaasi oo u muuqda mid aargoosi ah, kadib, markii Iran lagu eedeeyey Qarax lal beegsaday 2 Markab oo Israel lahayd.

Sarkaal Maraykan oo magaciisa la qarxiyey ayaa u sheegay Wargeyska The New York Times (NYT) inay Israel xalay ku soo wargeliyeen inay qarxiyeen Markabka Sirdoonka Iran ee SAVIZ.

Markabka la qarxiyey waxa uu dhowr sano ku sugnaa Badda Cas, halkaasi oo la sheegay inuu soo gelbin jiray Maraakiibta Ganacsiga Iran ee ka gudubka Gacan-biyoodka Badda Cas.