DAAWO:-Wasiir Timacadde: “Ma jiro shir ay ogyihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland oo fashilmay”

0

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa war kasoo saaray shirkii Afisyooni uga sacaday Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka, kaasi oo Dowladda federaalka ay shaacisay in shirkaasi fashilmay ayna mas’uul ka ahaayeen fashilka Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

War-saxafadeed ay soo saareen Jubbaland iyo Puntland oo uu saxaafadda u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timo-cadde) ayaa looga jawaabay eedda loo jeediyay labada maamul ee ah in ay sabab u yihiin fashilka ku yimid Shirkii Afisyooni.

Puntland iyo Jubbaland ayaa iska fogeeyay dhammaan waxyaabihii dowladda Federaalka ay ku eedeysay, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Labada maamul aysan masuul ka ahayn fashilka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war-saxaafadeedka in Jubbaland iyo Puntland aysan ogayn shir fashilmay, waxaana ay sheegeen Madaxweyne farmaajo uu maanta shirka  soo xiray si wadatashiyo ay u soo sameeyaaan madaxda ka qayb galaysay shirka, hasayeeshee waxaa Dowladda dhexe ay shaacisay in shirkii fashilmay, intii lagu maqnaa Nasiinada waa sida ay hadalka u dhigeene.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Timo-cadde oo war-saxaafadeedka akhrinayay ayaa intaa ku daray in Maamulada Puntland iyo Jubbaland in uusan jirin shir ay wax ka ogyihiin oo fashilmay, waxaana intaas uu ku daray in shirku uu wali sidii hore u yahay labada maamul.

Ugu dambeyn Jubbaland iyo Puntland ayaa baaq u diray beesha Caalamka, waxaana ay sheegeen in aysan jirin wax fashil ah oo ku yimid shirkii ka socday Teendhada Afisyooni.