DAAWO:-Dowladda Oo Shaacisay In Axmed Madoobe Iyo Deni Ay Diideen In La Qabto Doorasho

0

Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa markii saddexaad kusoo dhamaaday natijo la’aan.

Madaxda ayaa Maanta dood adeg ka yeeshay Ajendayaasha shirka guud ee Madaxda ee maalmaha soo socda furmi doona, waxaana mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha Shirka soo socda lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa ka hadashay Shirkii Maanta dib ugu furmay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, kaasi oo fashil kusoo dhammaaday.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuurkar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu maamulada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sep.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay noqdeen wax uu ku tilmaamay jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn, waa sida uu hadalka u dhigay.