Suudaan oo soomaaliya ka dalbatay in ay caddeyso go’aankeeda ku aaddan lacago loo daabacayo oo yaalla dalkaasi

0

Warbaahinta dalka Sudan ayaa sheegtay in Dowladda Sudan xiligaan ay culeys u arkayso lacago shilin Soomaali ah oo ay daabacday Shirkadda Lacaga samaysa ee dalkaasi.

Warbaahinta gudaha Sudan ayaa shaaca ka qaaday in ila wareedyo ku dhow xukuumada dalkaasi ay lasoo wadageen wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumada Somalia inay ka rajeenayaan inay la wadaagan ra’yigoodi ku saabsan lacagahaasi Shilin Soomaaliga ah hadii xiligaan ay Dowladda Somalia ka maarantay iyo in kale, Xukuumada Sudan ayaa ku hanjabtay inay ka taqalusi doonto hadii aysan wax jawaab ka helin dhinaca Somalia.

Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa 21kii 2018ka usoo diray Somalia Wakiilka Wasaaradda Arrimaha dibada Cabdidaaim si uu fariin u soo gaarsiiyo Safaarada Sudan ee Muqdisho kaa oo ku saabsanaa in Somalia ay faah faahin ka bixiso lacagaha loogu daabacay Sudan.

Safaarada Sudan ee Somalia oo warqadaasi ka falcelisay ayaa sheegtay in wasiirka Maaliyadda Somalia Cabdiraxman Ducale Beyl uu isla xiligaas warbaahinta u sheegay in wasaaradiisa ay qorsheenayso in meelo kale ay kasoo daabacanayan Lacagta Shilinka Somaliga iyadoo loo marayo ama taagero laga helayo sanduuqa lacagta aduunka iyo ban kiga aduunka ayna wasaarada arintaasi kala shaqeenayso qubaro Soomaali ah ama ajaaniib.

Wasiirka ayaa waqtigaas cadeeyay in lacagahaasi daabacadoodi ay kaga bixi doonto 41M oo doolarka Mareykanka.
Sidaas ay jirto xukuumada Sudan ayaa tilmaamtay inay daabacday lacagta shilinka Soomaliga kadib heshiis dhex maray xukuumada Muqdisho iyo Khartum kaa oo ku kacayay 17milyan oo dolarka Mareykanka lacagaha loo daabacay Soomaaliya ayaa wali ku xayiran shirkada lacagta uy samaysa dowladda Sudan tan iyo sanadkii 2013kii.

Dowladda Sudan ayay jaraa’idyada kasoo baxa wadankaasi ay sheegen inay diyaar u ahayd soo rarista lacagahaas inay keento Muqdisho ayna bixios dhamaan wixii farsamo ah.

Safaarada Sudan ee Muqdisho oo ay warbaahinta Sudan soo xiganayaan ayaa sheegtay in saraakisha Somaalida ay ka war wareegayaan sidii lacaghaasi Sudan looga soo qaadi lahaa waxaana arintaasi ku qasbaya cadaadis kaga imaanaya wadamo reer galbeed ah oo doonayo dana ay kaleeyihiin Somalia hanoqoto mid gudaha ama dibadda waxaana ay doonayaan in ay la wareegaan sameynta lacagta Shilinka Somaliga.

Safaaradu waxa ay sheegtay in dhowr jeer ay arimahaasi kala hadashay madaxda Somalia waxaana ugu horeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

October sanadkii 2014ka wafdi ka socday sirdoonka, Wasaarada Maaliyadda iyo Bankiga dhexe Sudan iyo shirkada lacagta samenayso ayaa soo booqday Somalia waxana ay la kulmeen Madaxweynihii xiligaasi Xsan Shekh Maxamuud oo ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo Sudan lacagta kala wareega balse wali dhinaca Somalia arintaasi ka xayiran tahay.

Xukuumada Sudan ayaa sheegtay in 3bil gudahoodi ay jawaab ay kaga sugayaan Somalia si lacagahaasi lagala wareego ama ay xukuumadda Somalia cadeeyso inaysan dooneynin lagana taqaluso lacagta Shilin Somaliga ah ee ku jirta Xarunta shirkadda lacagta u smaeysa e Sudan.