R/wasaare Rooble oo xalay booqday ciidankii ku soo dhaawacmay weerarkii Bariire iyo Awdheegle

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay booqasho ugu tegey ciidamadii dhawaan ku soo dhaawacmay dagaaladii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyadii ciidamada xoogga ay ku leeyihiin Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey ciidanka difaaca dalkooda u dhaawacmay in Allah uu caafiyo oo u booga dhayo.

Intii uu booqashada ku jirey Raisal Wasaare Rooble wuxu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Xoogga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxu dhaawacyada u ballan qaaday in dowladdoodu hiil iyo hooba la garab taagnaan doonto illaa iyo inta ay ka soo bogsoonayaan.