NISA oo soo bandhigtay xogta rag miinooyinka u sameyn jiray Al-Shabaab oo ku dhintay qarax ay wadeen

0

Taliska Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya qeybtiisa Gobalka Banaadir ayaa shaaciyey inuu helay xog ah in maalmihii lasoo dhaafay ay dhinteen seddax sarkaal oo labo ka mid ah ay Al-Shabaab u qaabilsaneed sameynta qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow iyo Muuse Kooble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ay ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose ay ku dhinteen gaari kula qarxay deegaanka Basra.

Raggaan waxaa la sheegay in qaraxyadaas ay gaari uga soo qaadeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, balse uu ku qarxay markii ay marsiinayeen deegaanka Basra, 28-kii bishii hore ee Maarso, waxaana labada sarkaal la geeriyooday lix dagaalame oo ilaalo u ahaa.

Dhanka kale seddax maalmood ka hor, 3-dii bishan Abriil, waxaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Daariq.