DEG DEG: Shirkii DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo u baaqday maqnaanshaha Qoorqoor

0

Shirkii DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maanta oo Talaado ah lagu waday inuu bilowdo ayaa dib ugu dhacay maqnaanshaha Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo shalay safar ugu ambabaxay magaalada Dhuusamareeb.

Sida wararku sheegayaan maalinta berri ayuu shirka dib u bilaaban doonaa, marka uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor dib ugu soo laabto Muqdisho.

Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa weli is mari la’, illaa iyo hadda labo cisho oo ay fadhiyeen wax horumar ah lagama sameyn shirkooda, waana tan keentay in shirka rajo xumo laga muujiyay.

Labadii maalmood ee u dambeysay shirarkii Madaxda ahaa mid albaabada u xirnaa, kana duwanaa shirarkii hore, maadaama shirku ay hareeyeen doodo kulul, gaar ahaan Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa aad isu afgaarayeen.