Wafdi ka socda dalka Zambia oo tegay Somaliland

0

Wafdi ka socda dalka Zambia ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee Somaliland, kuwaas oo kulamo la qaatay madaxda Somaliland.

Wafdigan waxaa hoggaaminayay wasiirka cadaaladda dalka Zambia iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Hargeysa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in wafdigan ay casuumaad u fidiyeen, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaalada ku aadan qadiyadda madaxbanaanida iyo sidii xiriir iyo iskaashi ay ula yeelan lahaayeen dalal dhowr ah.

Waxaana lagu wadaa in wafdigan ay kulan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland ayna ka wadahadli doonaan arrimo siyaasadeed iyo kuwo iskaashi.