QM oo war cusub ka soo saartay shirar Muqdisho uga socda hoggaamiyeyaasha Soomaaliya

0

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in QM ay dhiira-gelineyso wada joogitaanka madaxda Soomaaliya ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu shir uga socday teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale madaxda Soomaalida ku boorisay inay xal ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka dalka.

“Waxaan fahamsanahay inay madaxda qorsheynayaan sii wadida wada-hadalkooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wada-hadalladooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shirarkii hor-dhaca u ahaa shirweynaha xalka looga gaarayo khilaafka doorashada ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay Afisyooni uga socday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Waxaa la qorsheeyey in shirka laga soo nasto Isniinta maanta ah, isla markaana madaxdu ay soo sameeyaan la tashiyo la xariira qodobadii la isku mari waayey, si maalinka xiga ee Talaadada loo sii amba qaado wadahadallada loogu gogol xaarayo shirka guud.