Madaxweynaha Galmudug Oo Dib Ugu Laabtay Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalafa Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Nuur gacal, Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, isagoo u joogay dadaalka loogu jiro xal ka gaarista khilaafka doorashada dalka iyo ka qeyb galka Shirar looga hadlayo sidii xal buuxa Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay u gaari lahaayeen.

Dastuurka u yaalla dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhigaya in Madaxweynaha maamulka uusan degaanka ka maqnaan kari 45 cisho, waxaana Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ay tegi doonaan Dhuusamareeb.

Axmed Qoorqoor ayaa kulamo kala duwan la soo qaadan doona Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka, isagoona gelinka dambe ee maalinta berri  oo talaado ah uu dib ugu soo laaban doono Muqdisho.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah.