Dad badan ku dhintay daadad ku soo rogmaday Indones

0

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay daadad soo rogmaday iyo dhulka oo meelo go’ay dalalka Indonesia iyo Timor Leste maalintii Axaddii.

Roobab mahiigaanno ah ayaa khasare laxaadle geystay, waxaana uga sii daray biyo-xidheennada fatahay oo kumanaan guri oo ku yaal jasiiradahaas qaaday.

Goobaha masiibadu ku habsatay waxay fidsan yihiin laga bilaabo jasiiradda Flores ee bariga Indonesia ilaa dalka ay olloga yihiin ee Timor Leste.

Shaqaalaha gurmadka ayaa isku deyaya in ay helaan cid ka badbaaday, waxaanay saraakiishu sheegeen in dhimashadu intaa ka badan karto.

“Afar waaxood oo degmo hoos taga iyo todoba tuulo ayaa dhibtaatadu gaadhay” ayuu yidhi af-hayeen u hadlay wakaaladda ka hortagga masiibooyinka oo la hadlay warfidiyeenku.

“Markaanu baadhnay xogta ay soo direen kooxaha goobta gaadhay waxaanu xaqiiqsannay in ay 41 qof dhinteen 27 qof na weli la la’yahay sagaal kalena dhaawac yihiin”.

Hase ahaatee badhasaab ku xigeenka East Flores, Agustinus Payong Boli, ayaa qiyaasta uu bixiyey ku sheegay in dad gaadhaya 60 ku dhinteen degmadiisa. Tiradaas weli may xaqiijinin dawladda dhexe ee Indonesia.