Booliska Canada oo faahfaahin ka bixiyey dil wiil Soomaali ah loogu geystay dalkaas

0

Allaha u naxariistee Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa wiil 21 sano jir oo Somali-Canadian ah ayaa galabnimadii Sabtida lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Haabiil, rasaas lagu furay xilli isaga iyo qof kale oo la socday oo dhaawacmay ay marayeen agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett.

Wiilka la dilay iyo qofka dhaawaca ah ayaa watay gaari, markii rasaasta lagu furay.

Sida booliska ay sheegeen ilaa iyo hadda waxaa laga shakisan yahay in weerarka ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhexeyso 20 ilaa 25 sano jir.

Gaariga ay wateen iyo laba bastoolad ayay boolisku sheegeen inay heleen, kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen, xilli ay baxsanayeen.

Kooxdii weerarkaas fulisay ayaa sidaas uga baxsatay goobtii ay shilka ku galeen, iyagoo ka cararay gaarigii ay wateen iyo bistooladihii ay wax ku dileen.