Militariga Dalka Urdun Oo Xabsi Guri Galiyay Amiirka Dalkaasi

0

Militariga dalkan Urdun ayaa u sheegay boqorka walaalkiis Amiir Xamza bin Hussein in uu joojiyo ficillada lagu bartilmaameedsanayo “amniga iyo xasiloonida,” taas oo dadka la socda arrintan ay sheegeen in ay la xiriiri karto shirqool lagu qalqal-gelinayo dalka.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee dowladda ayuu militarigu ku sheegay in digniinta loo diray Amiir Xamza ay qeyb ka tahay baaritaan ballaaran oo amniga ku saabsan kaas oo lagu xiray wasiir hore, xubin darajadiisu hooseyso oo ka tirsan qoyska boqortooyada iyo dad kale oo aan la magacaabin.

Amiir Xamza ayaa cajalad muuqaal ah oo uu duubay ku sheegay in la geliyay xabsi guri ku jiro, iyadoo loo sheegay inuu guriga joogo oo uusan cidna xiriir la sameyn karin.

Dhaxal sigihii hore ayaa muuqaal uu qareenkiisu u gudbiyay BBC ku sheegay inuusan qeyb ka aheyn shirqoollo shisheeye oo ka dhan ah Urdun, isagoo dowladda dalkaasi maamusha ku sheegay mid musuq-maasuq ah.

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in dowladda Urdun ay xirtay Hamza iyo 20 qof oo kale, kuwaas oo mas’uuliyiintu ay sheegeen inay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi.

Taliyaha ciidamada militariga Yusef Huneiti ayaa beeniyay wararka ku saabsan xabsi gelinta amiirka, balse waxa uu sheegay in lagu wargeliyay “in uu joojiyo howlaha loo adeegsanayo in lagu bartilmaameedsado amniga iyo xasilloonida Urdun.”

Laba qof oo xaaladda si dhow ula socday ayaa Reuters u sheegay in ciidamada amaanka ay tageen qasriga amiirka ayna bilaabeen baaritaan.

Boqor Cabdalla-ha Urdun ayaa sanadkii 2004-tii shaqada ka eryay Amiir Xamza oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada, tallaabadan oo uu boqorku ku xoojinayay awooddiisa.