Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DFS

0

Laba katirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay daabacday warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada qalbka Sida.

Xubnaha isasa soo dhiibay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, sida ay sheegeen saraakiisha ciidaanka xoogga ee 14 October ee ku sugan magaalada Marka.

Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar  Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Muunye ayaa sheegay in labada dagaalame ee ka tirsan  Al-shabaab ka soo baxsaday uga hortagay deegaanka Shalaanbood, isagoona halkaasi kasoo ka xeeyay.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa isa soo dhiibay xubnihii ugu badnaa oo ka tirsan Al-Shabaab.