Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay kiisas cusub oo covid 19

0

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa shaacisay baaritaanki 24-kii saac ee ugu dambeeyey la sameeyey in 280 qof laga helay fayraska karoona.

Waxay wasaaradu sheegtay 280 qof ee fayraska laga helay iney kala yihiin Puntlnad 133 (natiijada baaritaanka hal toddobaad la sameeyey), Banaadir 96, Somaliland 27 Koonfur Glabeed 14 iyo Jubbaland oo 10 ah.

Tirada dhimashada 24-kii saac ee ugu dambeeyeyna waxay wasaaraddu sheegtay 8 qof (Banaadir 3, Puntland 2, Koonfur Galbeed 2 iyo Somaliland 1), halka bogsashaduna tahay 36.

Tirada guud ee 24-kii saac ee ugu dambeysay karoona laga baarayna waa 1,966 qof.