Beesha Caalamka oo wada dadaalo la isugu keeno madaxda DF iyo kuw D/goboleedyada.

0

Kadib markii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku guuldareysteen in ay isugu yimaadaan shir looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa is mari-waagga ka taagan doorashooyinka ayaa waxaa arrintan si hoose u xalinaysa  Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Magaalada Muqdisho ka wada dadaalo lagu doonayo in miiska wadahadalada leeskugu keeno Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa siyaabooyin kala duwan kula hadlay dhinacyada siyaasadda isku hayo, kuwaa oo haatan u muuqdo in ay aqbaleen shir ay isugu yimaadaan Magaalada  Muqdisho.

Ujeedka  Beesha Caalamka ee shirka ayaa ah in looga gudbo is qabqabsiga dib u dhaca ku keenay Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal in lagu qabto xilligii loo muddeeyay iyo in laga foggaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni dalka.

Todobaadkan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay shir ku yeesheen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa socota oo ay wadaan xubnaha beesha caalamka, waxaana la filayaa in shirka uu ka dhaco xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Dadaaladan ayaa noqonaya kiisii ugu dambeeyay ee ay tahay in la isugu soo dhaweeyo danleyda siyaasadda ee dalka, waxaana la rajeynayaa in uu miro dhalo.

Muran xoogan ayaa weli ka taagan Arimaha Doorashooyinka.