Axmed Madoobe oo la filayo inuu safar ku tago caasamada dalka ee Muqdisho

0

Waxaa saacadaha Soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam( Axmed madoobe).

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ka qeyb gali doono shir ay magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ujeedka shirka ayaa ah si loo dhameystiro Hishiiskii 17ka Septeembar 2020, kaasi oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka, maadaama weli muran xoogan uu ka taagan yahay.