Turkiga oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyey saldhig militeri

0

Dowladda Turkiga ayaa xero militeri ku wareejisay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan militeriga ay tababareen ee GorGor, sida lagu baahiyey bogga twitter-ka ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Turkiga.

Wareejinta saldhiggan waxaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga inuu fursad hor leh siinayo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

“Iyadoo qayb ka ah dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xarumihii waqooyiga – xarumihii 1-aad ee Turkigu ka dhisay Muqdisho, waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga twitterka ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Turkiga.

Xeradaan militeri ee Turkigu ku wareejiyey dowladda Soomaaliya sida ku cad qoraalkan waa tii koowaad oo ay ka dhisteen Soomaaliya, waxayna ka soo hor jeeda tan hadda ay ciidmada Soomaaliya ku tababaraan Turkisom oo ku taalla inta u dhaxeysa xeebta Jaziira iyo caasimadda Muqdisho.