Sh. Idiris oo ka hadlay Fariintii Sh. Umal u diray Siyaasiyiinta Soomaaliya

0

Sheikh Maxamed idiris oo kamid ah  culimada Soomaaliyeed  kuwooda ugu caansan ayaa ka hadlay khubadii uu jeediyy Sheikh maxamed Cabdi Umal oo Fariin  uiray Mucaaridka iyo Madaxda dawlada Soomaaliya.

“Waxaan taageerayaa khudbadii Sh. Maxamed Cabdi Umal – Xafidahullah – farriimaha ugu diray siyaasiyiinta (kursiga) soomaaliya isku haya.

Sheekhu talooyin qiima  leh ayuu siiyey Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday, iyo Murashaxiinta Mucaaradka ee kursigu u hillaacayo!

Waxaan rajaynayaa in labaduba u dhega nuglaan doonaan talooyinka culimada sida daacadnimada leh ula talineysa, ee ka duwan kuwa wedkooda u wanaajiya, gaar ahaan Madaxweynaha hadda jagada fadhiya, oo ilaa 8 feb, (kursigiisa buuq hareeyey), reerkana isagu oday u ah, dadka la mid ahayn, laga filayo inuu wax kala furdaamiyo, dadkiisa iyo dalkiisana wax taariikhda u gala kaga tago.

Qolada kalena waxaan xusuusin lahaa xadiiskii suubanaha calayhi salaatu wasalaam: (اتقوا الله واجملوا في الطلب) (war waxa aad raadineysaan si qurux leh u raadiya), oo casriga la socda, waa 2021.

Dadku dadkii 1978 iyo 1991 ma aha! Waxbaa la bartay, jaamacadaa la galay, baraha bulshada wax la yiraahdaa soo baxay.

Labadiinaba haddaan la taliyayaashiinu intaa idiin sheegin, ogaada iney idin khatalayaan, culimaduna daacad idiin ku warrantay. “ Ayuu yidhi Idiris.