Ciidamada Puntland oo weli howlgallo culus ka wada Boosaaso iyo dad lagu soo qabtay

0

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa weli ka socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka Puntland, waxaana xalay ka dhacay howlgallo ay ciidamo guri-guri u baarayeen.

Kadib markii habeen ka hor ay Al-Shabaab weerareen xabsiga dhexe ee magaalada, wax kasta ayaa is bedelay, waxayna hey’adaha ammaanku gudaha iyo daafaha magaalada Boosaaso ka bilaabeen baaritaano xoog leh.

Waxaa la baacanayaa kooxdii soo weerartay xabsiga iyo maxaabiistii ay fakiyeen, kuwaas oo qaar la shaaciyey in la soo qabtay.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada Puntland, sida ilaalada gaarka ah ee Madaxyooyada, Daraawiishta, PSF-ta, PMPF-ta, ayaa xalay si wadajir ah howlgallo culus uga fuliyey gudaha magaalada Boosaaso.

Howlgalkan waxaa lagu tilmaamay mid Al-Shabaab iyo kooxaha kale looga sifeynayo magaalada, waxaana lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo maalin ka hor gaaray Boosaaso ayaa weli magaaladaas ka wada kulamo uu la leeyahay dhaqan iyo waxgaradka Boosaaso, waxuu shalay mar uu ka hadlay weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso sheegay in dadkii fuliyey iyo kuwii ay fakiyeen 80% lasoo qabtay.