Turkiga oo si adag uga hadlay qaraxii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay Muqdisho

0

Qoraal ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu cambaareeyey qaraxii xalay ka dhacay maqaayadda Luul-Yemeni ee degmada Xamar-Jajab, kaas oo heystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu yiri, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso, waxaana tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey weerarkaas, waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.”

Dowladda Turkigu waxay sheegtay in marxalad kasta ay ku garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka iyo dowladooda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaankaan ka soo baxay dowladda Turkiga.

Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in lagu dilay 10-qof iyo dhaawaca 30 kale, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawacu intaas ka badanyihiin.