Taliska Booliska Soomaaliya oo ka hadlay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Taliska Booliska Soomaliyeed ayaa ka warbixiyay qarax khasaaro gaystay oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayadda luul Yamani oo ku taalla degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, waxaana Afhayeenku uu sheegay in ka badan 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxa, halka dhaawacuna uu yahay 30 ruux.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uu jiro khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay qaraxa, waxaana bur-bur xooggan uu soo gaaray dhismaha Maqaayadda iyo xaafado ka agdhawaa aagga qaraxu ka dhacay.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Mootada nooca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska.

Dhanka kale gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in ku dhawaad 15 ruux oo dhimasho ah ay goobta ka qaadeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamuud Caadle oo ahaa macalin iyo xoghayaha Warfaafinta xisbiga Himilo Qaran.
Waa markii labaad oo argagxisadu qarax khasaaro dhaliyay ka geystaan maqaayadda Luul Yemeni degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.