QM oo war ka soo saartay qaraxii dadka badan lagu dilay ee ka dhacay Muqdisho

0

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo war kasoo saaray qaraxii xalay ka dhacay maqaayadda Luul-Yemeni ee magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas oo lagu dilay dad badan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya.

Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in lagu dilay 10-qof iyo dhaawaca 30 kale, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawacu ay intaas ka badanyihiin.