Ciidamo Badda Kasoo Badbaadiyay Tahriibeyaal Farabadan

0

Ciidamada Ilaalada xeebaha Turkiga ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan 36 tahriibe, kuwaas oo doonayay inay si sharci darro ah ugu safraan dalka Giriigga.

Ciidmada amniga dalkaas ayaa sheegay in doontii ay wateen tahriibayaashaan ay ka cilladowday, kadibna ay badbaado ka heleen ciidmada ilaalada badda Turkiga.

Mas’uuliyiin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka tahriibayaasha ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur la geeyay jasiiradda Gonda halkaasna loogu sameeyay baaritaanada caafimaad ee lagama maarmaanka ah.