Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigey qaar kamid ah maxaabiistii ka baxsatay xabsiga Boosaaso

0

Ciidanka amaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka daba tageen xubno ka tirsan Al Shabaab oo xalay weerar ku qaaday xabsiga magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayna gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah maxaabiistii ka baxatay xabsiga.

Dagaal ayaa la sheegay in uu ku dhexmaray dagaalyano ka tirsan Al Shabaab iyo ciidamada Punltnad buuraha Girible iyo Gaaca oo Koofur ugu beegan magaaladda Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan ciidanka amniga Puntland ayaa Mustaqbal u sheegay “in ay ka daba-tegeen dableydii xalay weerartay saldhiga weyn ee Boosaaso”.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ciidamadda amaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii weeraray xabsiga iyo maxaabiistii ay ku furteen weerarkii xooganaa ee saldhiga Boosaaso.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in iska hor-imaadka ay ku ku dileen tobaneeyo ka tirsan Xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in la wareegeen gacan ku heynta xabsiga ayna xabsigaas ka sii daayeen guud ahaan maxaabiiistii xabsiga ku xirneed, oo ay tiradoodu tahay afar boqol ruux oo isugu jira Mujaahidiin iyo shacab.