Britain Oo Dhimeysa Kaalmada Dhaqaale Ay Siiyaan Dalal Ay Ku Jirto Somalia

0

Lix Waddan oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan Caalamka ee ay badankooda colaado ragaadiyeen ayaa la filayaa in laga jaro Kala-bar Kaalmadii Britain siin jirtay dalalkaasi.

Warbixin ku lug leh Wada-xaajood ay qeyb ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda ee Britain ayaa looga arrinsaday qorshaha lagu dhimi doono Kaalmada Dhaqaale ee la siiyo qaar ka mid ah dalalka saboolka.

Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in Kala-bar la jari doono Kaalmadda ay Britain ugu yaboohi jireen dalalka Somalia, South Sudan, Syria, Libya iyo Nigeria.

Qorshaha la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in Barnaamijka Kaalmada Britain ee (The UK Aid Programme) ee loogu yaboohi jiray dalalkaasi waxaa laga jari doono sida soo socota:

1- Somalia waxaa laga jari doonaa  60%, iyadoo UK tahay Deeq-bixiyaha 2-aad ee ugu weyn dalalka Somalia ugu yabooha Dhaqaalaha

2- South Sudan waxaa laga jari doonaa 59%

3- Syria waxaa laga jari doonaa 67%

4- Libya waxaa laga jari doonaa 63%

5- Nigeria waxaa laga jari doonaa 58%

6-  Koongada Dimqraadiga (DRC) waxaa laga jari doonaa 60%.

Dhinaca kale, Barnaamijka Kaalmada Britain (The UK Aid Programme) ayaa laga jarayaa in ka badan labada sano ee soo socota inta u dhexeysa £10 Billion oo Geni ilaa £15 Billion ee Geniga Istarliinka ee (UK Pound).