AFRICOM oo warbixin ka soo saartay khasaaraha rayidka ka soo gaaray weeraradeeda Soomaaliya

0

Warbixin qiimayn ah oo ka soo baxday Taliska Ciidamada Maraykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixisay weerarada ay ciidanka Maraykanku ka fuliyeen Qaaradda Afrika iyo tirada khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Sida lagu sheegay Warbixintii ugu dambeysay ee qiimeynta qasaaraha rayidka oo ku ekayd 31-kii Dec. 2020, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ma helin warbixino cusub oo ku saabsan qasaaraha dadka rayidka ah, wuxuuna xiray labo ka mid ah seddex kiis oo furan.

Warbixintan ayaa noqonaysa tii afaraad ee qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo markii Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabay sii deynta warbixinnada bishii Abriil 2020, taas oo qeyb ka ah ballanqaadkeeda kordhinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Taliska ciidmada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in dhawaan uu helay laba warbixin oo ku saabsan khasaaraha rayidka tan iyo markii la xiray warbixintan.

Warbixinadan cusubi waxay ka imanayaan laba weerar oo cirka ah oo la kala qaaday Jan.1, 2021 iyo Jan. 19, 2021. Labada warbixinadan cusub ayaa hada la qiimeynayaa waxaana looga hadli doonaa warbixin seddex biloodle ah oo mustaqbalka ah. Waxay ku qoran yihiin sidoo kale furan.

Sida ku xusan warsaxaafaded uu soo saaray Talaiska ciidmada maraykanka ee Africa, Bishii January, talisku wuxuu dhameystiray awaamiirtii madaxweynaha ee ahayd in ciidamada Mareykanka laga soo celiyo Soomaaliya oo la geeyo meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika.