Raysal wasaare Rooble oo ka hadlay Fashilka ku yimid Shirkii Musharixiinta iyo Siday wax u dhaceen

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay fashilkii ku yimid shirkii saddexaad ee uu xalay la yeeshay xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka.

Rooble ayaa sheegay in is-faham laga sameeyey qodobadii laga wada hadlay, laakiin mid ka mid ah dalabaadka midowga murashaxiinta aanu la jaanqaadi karin hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Wuxuu xusay in murashaxiintu ay codsadeen inay qayb ka noqdaan wadahadalada doorashooyinka dalka, taasina aanu keligii go’aan ka gaari karin, iyadoo qodobkaasi uu caqabad noqday oo laga gudbi waayey, sida uu sheegay.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.” Ayuu yidhi Rooble.