Ra’iisul Wasaare Rooble: ”Waan sii wadaynaa Wadahadalada si Doorashada loo Hirgeliyo”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooyinka, iyadoo lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo danaha qaranka, isla markaana ay dhinacyada siyaasaddu la yimaadaan daacadnimo iyo tanaasul ka tarjumaya waaqca dalku marayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo tixraacayey wadahadaladii uu la qaatay midowga murashaxiinta, ayaa sheegay in is-faham laga sameeyey qodobadii laga wada hadlay, laakiin mid ka mid ah dalabaadka midowga murashaxiinta aanu la jaanqaadi karin hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Mudane Rooble ayaa xusay in murashaxiintu ay codsadeen inay qayb ka noqdaan wadahadalada doorashooyinka dalka, taasina aanu keligii go’aan ka gaari karin, iyadoo qodobkaasi uu caqabad noqday oo laga gudbi waayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in xukuumaddiisu ay dhiirigelinayso wadahadalada oo ay albaabadu u furan yihiin cid walba , laakiin loo baahan yahay in la muujiyo daacadnimo iyo tanaasul, isla markaana aan la abuurin caqabado hor leh iyo khilaaf aan muhiimad iyo micno weyn lahayn.