QM oo sheegtay in ‘G.Tigrey ay ka dhaceen Falal noqon kara dambiyo’

0

Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa maanta weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020.

“Dhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,” ayey Michelle Bachelet ku tiri bayaan ay soo saartay, ayada oo muujisay inay ka cabsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baaritaan dibedda ah.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada federaalka Ethiopia ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kuwa ururka xukuma gobolka ee TPLF ayaa dilay kumanaan qof, kuna qasbay boqolaal kun oo kale inay ka qaxaan guryahooda.

Warbixinta Bachelet ayaa sheegtay in 136 kiis oo kufsi ah lasoo weriyey intii u dhaxeysay December illaa Janaayo, ayada oo ay jiraan tilmaamo muujinaya kuwa badan oo aan lasoo werin. Waxay sidoo kale xustay kiisaska dilal ula kac ah oo loo gaystay shacab.

Dowladda Abiy, maamulka Tigray, TPLF iyo sidoo kale kale mas’uuliyiinta Amxaarada iyo Eritrea ayaan laga helin jawaab deg deg oo ku aadan bayaanka QM.