Midowga Musharixiinta oo baajiyay bannaanbixii berri

0

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay baajiyeen banaanbixii ay ku dhowaaqeen, kaasi oo loo ballansanaa in uu maalinta berri ka dhaco taallada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan isku halleyn karin ammaanka, isla markaasna dowladda ay Ciidamo badan geysay Taalada Daljirka Daahsoon oo aheyd halkii la asteeyay in banaannabaxa uu ka dhaco.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaaladda Coronavirus ee Soomaaliya ay darantahay.

Midowg musharixiinta ayaa sheegay in ay dib ka soo shaacin doonaan maalinta uu dhici doono bannaanbaxa.

Dawlada Federalka iyo Midowga musharaxiinta ayaa xalay isku fahmi waayay cidda sugaysa amaanka Banaanbaxayaasha.