Madaxwaynaha Puntland oo Safar degdeg ah ugu Baxaya Boosaaso kadib Fadeexadii Xalay ka dhacday Xabsiga Wayn

0

Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magaalada Boosaaso, waxaan aad loo adkeeyay amaanka Garoonka diyaaradaha,  Madaxweynaha ayaa utagaya Boosaaso sidii uu wax uga ogaan lahaa xogta weerarkii xalay ay Alsshabaab ku qaaday Xabsiga Dhexe ee Boosaaso.

Dad badan oo ka faalooday weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga Boosaaso ayaa Maamulka Puntland  ku dhaliilay, waxayna ka codsaday in ay qaadato mas’uuliyad daradii meeshaasi ka dhacday.

Weerar qorsheysan ayaa koox ka tirsan ururka Alshabaab ay habeenkii xalay ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Bosaso, Wuxuuna ku  bilowday qaraxyo ka dhacay daafaha iyo halka lagu baaro dadka ee Xabsigu lahaa.

Kooxda weerarka geysatey ayaa difaac ka xidhay dhamaan waddooyinka looga soo gurman karo xabsiga ee ay soo marayaan ciidamada amniga ee Puntland, kahor inta aysan weerarka bilaabin, si ay uga hortagaan ama u carqaladeeyaan gurmad kasta oo xabsiga soo gaadha, Waxayna

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in kooxdan ay u suurta gashey in ay gudaha u galaan xabsiga isla markaana siidaayaan maxaabiis badan oo ku xirneyd, iyaga oo wata magacyada dadka ay doonayeen in ay la baxaan korna ugu dhawaaqaya si ay u kaxaystaan.

Tiro maxaabiis ah oo aan badneyn ayaa dib loo soo qabtey, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo xanuunsan iyo kuwo baxsan kari waayey.

Balse waxaa la yaab Bulshada ku noqotay Taliyaha qaybta gobolka Bari oo markii weerarku dhamaadey saxaafadda kula hadley gudaha Xabsiga =uu sheegay, in Booliska hal askeri ka dhintey, Waxaa jira warar madaxbanaan oo sheegaya in tirada dhimashadu intaas ka badan tahay, Waxaana la rumaysan yahay in Dhammaan Maxaabiistii Xabsiga ku jirtay ay baxsadeen intooda badan.