DFS oo sheegtay in mucaaradka ay diideen in DF ay sugto amniga banaanbaxa

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mucaaradka uga mahadcelisay in ay joojiyeen banaanbixii loo ballansanaa in beri uu ka dhaco magaalada Muqdisho, islamarkaana ay jeclaan lahayd in aan mar kalena la isu imaanin.

Wasiirka amniga Xasan Xundubey ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in amniga banaanbaxa ay sugaan cid kale, isagoona sheegay in dowladda ay weli ogoshahay in mucaaradka ay banaanbax qabsadaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha la isku fahmi waayay ay qeyb ka tahay sugida amniga goobta uu ka dhacayo banaanbax oo ah Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho

Wasiirka ayaa sheegay in mucaaradka ay diideen in dowladda ay sugto amniga banaanbaxa

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay baajiyeen banaanbixii ay ku dhowaaqeen, kaasi oo loo ballansanaa in uu maalinta berri ka dhaco taallada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan isku halleyn karin ammaanka, isla markaasna dowladda ay Ciidamo badan geysay Taalada Daljirka Daahsoon oo aheyd halkii la asteeyay in banaannabaxa uu ka dhaco.