Xukuumadda Soomaaliya oo go’aan ka Qaadatay Banaanbaxa Muqdisho iyo Halka uu ka dhacayo

0

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka Qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Istaadiyoom si loo xaqiijin karo habracyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.

Ugu dambeyn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaaharaadku inay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada Afxirka iyo kala fogaanshiyaha.