Wasaarada caafimaadka oo shaacisay tirada dadka ugu geeriyooday Covid19

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 123 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 14 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 34 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (76) iyo Somaliland (31) Jubbaland (13) iyo Koonfur Galbeed (3) qof, 76 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 47-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 7,850 waxaa bogsootay 3,901 Ruux. guud ahaan 274 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.