Shirkii uu ku baaqay Madaxwayne Farmaajo oo Markale u muuqda inuu Fashilmay

0

Waxaa markii Saddaxaad fashilmay shir uu ku baaqay Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay isugu yimaadaan DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhaca Muqdisho.

Shirkan oo ku muddeysnaa maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 4 bisha March ah ayaa waxaa ka baaqsaday Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo dalbaday in waqti la siiyo shirka Ra’iisul Wasaaraha iyo Musharaxiinta, sidoo kale soo jeediyay in shirka lagu qabto goob ammaan ah oo ka mid ah Garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa safar ugu maqan dalka Turkiga Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Waa markii 3aad ee Madaxweyne Farmaajo shir uu iclaamiyo uu baaqdo, kaddib wixii ka dambeeyay markii uu muddo xileedkiisa dhammaaday 8 February.

Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa inay Caqabad ku yihiin  inay Saxiixaan Heshiiska lagu gaadhay Baydhabo, ee lagu dhamaystiray Heshiiskii Hore ee 17-kii September.