Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Soomaaliland?.

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada Soomaaliland.

Shirka maanta ayaa looga hadlay qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, arrimaha doorashooyinka, abaaraha soo foodsaaray  meelo ka mid ah deeganada Soomaaliland iyo arrimo kale.

Ugu horrayn golaha wasiirradu waxay fadhigii maanta ku lafo-gureen in la xoojiyo amniga waqtiga doorashada is-barkan ee wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland ka qorshaysan 31-05-2021-ka.

Waxa kale oo goluhu isla qaatay sida shuruucda doorashooyinku dhigayo warbaahinta ki hadasha afka Soomaaliland , ay dhex u noqoto xisbiyada qaranka, lana sii dardargeliyo wada-shaqayntii hore uga dhaxaysay xisbiyada qaranka iyo warbaahinta Soomaaliland ay maamusho.

Waxa  kale oo uu goluhu go’aamiyey in guddigii abaaruhu dib u hawl-galo, xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin, isla markaana soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen.

Goluhu isaga oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xidhiidha biyo yaraanta waqtiyada qaar waxay isla meel dhigeen in xukuumadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xidheenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada abaaraha iyo biyo yaraanta.

Ugu danbayntiina waxa uu goluhu isku raacay in si buuxda la soo celiyo wacyigelintii ka hortagga xanuunka Covid 19 oo wakhtigan dunida ku soo laba kacleeyey, lagama maarmaanna ay tahay in bulshada lagu barbaarujiyo khatarta uu leeyahay xanuunkaasi si loogu diyaar garoobo.